Ganacsade  lagu dilay maanta magaalada Gaalkacyo.

Ganacsade  lagu dilay maanta magaalada Gaalkacyo.

Gaalkacyo (Raxanreeb ) –Faahfaahino kala duwan ayaa kasoo baxaya dil maanta magaalada Gaalkacyo loogu geystay nin ganacsade ahaa, dilka ayaa waxaa geystay kooxo burcad ah sida lagu soo waramayo.

Dabley hubaysan oo aan weli haybtooda la aqoonsan ayaa waqooyiga Gaalkacyo ku dilay marxuum Axmed Tahliil Xaaji Aadan oo kamid ahaa ganacsatada degaanka.

Kooxda hubaysan ayaa ganacsade Axmed Tahliil ku dhex dilay goobtiisa ganacsi oo ku taalla halka loo yaqaan Jiiro Cabdullaahi Yuusuf.

Kooxda dilka fulisay oo sida la sheegayo gaari watay ayaa markiiba goobta isaga cararay islamarkaana ma jirto cid ilaa iyo hadda loo qabtay dilkaasi.

Goobjoogayaal la hadlay warbaahinta ayaa u xaqiijiyey in kooxda dilka fulisay kuwaas oo watay gaari ay durbadiiba goobta isaga baxsadeen, iyaga oo aan lagu guulaysan soo qabashadooda. Marar badan magaalada Gaalkacyo waxaa kadhaca dilal qorsheysan oo loogeysto waxgaradka magaalada, dilalkaas oo inta badan salka kuhaaya aanooyin qabiil oo kataagan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug

Leave a Reply

Your email address will not be published.