DF oo war kasoo saartay howlgallo lagu dilay madax Shabaab ka tirsanaa

DF oo war kasoo saartay howlgallo lagu dilay madax Shabaab ka tirsanaa

Muqdisho (Raxanreeb) — Howlgallo culus oo iska kaashadeen ciidamada dowladda iyo saaxiibbada caalamiga ayaa ka dhacay Ugunji oo hoos tagta degmada Janaale ee gobalka Shabeellaha Hoose, halkaas oo lagu bartilmaameedsaday kooxda Al-Shabaab.

Howlgalkaas, ayaa lagu beegsaday maxkamad kooxda ay ku lahaayeen halkaasi iyo horjoogeyaal badan oo lagu dilay deegaankaasi, sida lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta.

Usaama, oo ahaa madaxii Al-Shabaab u qaabilsanaa deegaanka Ugunji, oo howlgalkaan uu ka dhacay, sida lagu yiri bayaanka.

Cadnaan, oo ahaa horjoogahii u qaabilsanaa kooxda diiwaan gelinta shacabka baadda laga qaado iyo Yaxye oo ahaa ku xigeenkii madaxa Shabaab ee deegaanka Ugunji, ayay shaacisay Dowladda Soomaaliya, in lagu dilay howlgalkaasi.

Howlgalkan ayaa ah, kii labaad ee maanta Al-Shabaab, jab xooggan lagu gaarsiiyay kii kan ka horreeyay ayaa ka dhacay deegaannada Gendershe, iyo Arbacow, oo ciidamada Xoogga Dalka, iyo Haramcad, ka sameeyeen howlgallo adag oo lagu baacsanayo kooxda, inta ugu hartay deegaannadaasi.

Ciidamada ayaa gudaha u galay dhowr deegaan oo kooxda isaga baxeen godas ay ku dhuumaaleysan jireen, Godka kubash, Galka Geeriyaan, Galka Saalimow iyo Mara-cadde oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

“Waxay ciidamadu gaareen meelo ay khawaarijtu ka carareen waxayna ka heleen documentiyo farabadan oo ay ka mid yihiin kuwa dadka lagu baado. Ujeedka howlgalkaas ayaa ahaa Burburinta goobo Cadowga Khawaarijta ahi ay kaga dhuumalaysanayeen Deeganadaasi Iyo Maxkamad Beenaad ay ugu yaraan Dadka Deegaanka ee agaas ka ag dhaw,” ayaa lagu yiri waraaxaafadeedka Dowladda.

Dowladda Soomaaliya, ayaa dagaal adag oo dhan kasta ah, kula jirta kooxda Al-Shabaab, ee ku dhowaad 18 sanno maamulaya qeybo ka tirsan dalka.