GAROOWE : Dad loo soo qabtay dil ka dhacay magaalada Garowe.

GAROOWE : Dad loo soo qabtay dil ka dhacay magaalada Garowe.

Garoowe (Raxanreeb ) –Howlgal ay sameeyeen booliska maamul goboleedka Puntland gaar ahaan kuwa amaanka ayaa shaqsiyaad loo haysto dilal halkaas ka dhacay.

War ka soo baxay Booliska Gobolka Nugaal ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen Ayuub Cabdiqani  Ibraahim (ayuub shiino) oo ku eedaysan dil  ka dhacay  magaalada Garoowe.

“Ciidanka Booliska Puntland  gobolka Nugaal oo kaashanaya ciidamada amaanka iyaga oo gudanaya waajibka ka saaran ilaalinta iyo ka hortaga falalka lidka ku ah bulshada iyo deegaanka ayaa  gacanta ku soo dhigay eedeysane Eedeeysane Ayuub Abdiqani  Ibrahim Kuna eedeysan  dil ka dhacay magaalada Garoowe, waxaana la horgayn doona maxkamada   awooda uleh waxaana socota barista kiiska ayaa lagu sheegay war ka soo baxayTaliska  Ciidanka Booliska  gobolka Nugaal.

Dilka la dhacay Magaalada Garowe ayaa waxaa ku dhintay marxuum Sharmaake Ismaaciil  Wayrax iyo marxuum Abdifataax Abdiraxman diirye.

Falkaas oo dhacay 14/2/2024  abaaro sacadu markay ahayd 0:4:30 subaxnimo” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Booliska Booliska gobolka Nugaal.

Leave a Reply

Your email address will not be published.