Garaad Jaamac ‘’Dagaalka uusan istaagi mayo  illaa Somaliland ka baxdo SSC’’

Garaad Jaamac ‘’Dagaalka uusan istaagi mayo  illaa Somaliland ka baxdo SSC’’

Laascanood (Raxanreeb ) Magaalada Laascanood waxaa wali ka soconaya dagaalka u dhaxeeya ciidanka Somaliland iyo kooxaha deegaanka ee diidan maamulka Muuse Biixi Cabdi.

Odayaasha deegaanka ayaa magaalada Laascanood qayb ka mid ah ku yeelanaya shirarka ay uga hadlayaan xaalada kacsan ee xalka loo helin ee ka jira gobolada Sool , Sanaag iyo Cayn.

Garaad Jaamac oo ka mid ah Isimada ugu waawayn  gobolka Sool ayaa sheegay inuusan istaagi doonin dagaalka ka socda magaalada Laascanood ilaa Somaliland ciidanka ay ka baxaan magaalada.

“Nabad jiri mayso illaa ciidamada Somaliland ay Oog ku noqdaan,” ayuu yiri Garaad Jaamac.

Xukuumada Somaliland ayaa weli ku adkaysanaysa in kooxo argagixiso ah ay colaada hurinayaan, halka ay garaadada iyo qaybo kamid ah maamulka Laascaanood ee gobolka Sool.

Leave a Reply

Your email address will not be published.