Burcad meydadka qabuurha ka xadda oo Koonfur Afrika ka dilaacday

Muqdisho (Raxanreeb) — Booliska dalka Koonfur Afrika ayaa bilaabay baaritaan iyo iyaga oo dalbaday marqaatiyo ka dib markii meydad lagala baxay qabuuro ku yaalla gobolka waqooyi ee Limpopo.

Mid ka mid ah qaraabada dadkii halkaasi ku aasnaa oo Axaddii qabuurahaasi booqatay si ay u nadiifiso ayaa markii ugu horeysay arrintan shaaca ka qaadday.

Haweneydan ayaa naxdin iyo anfariir la kulantay ka dib markii ay aragtay qabriga oo duleela iyo meydkii Modike Filemon Masedi oo aan qabriga ku jirin.

Dadka looga shakiyay dhacdadani ayaa soo galay xabaalaha iyaga oo gooyay xayndaabkii kadibna waxa ay qodeen god ku dhegan qabriga si ay ula soo baxaan naxashka maydkana ay u qaaataan, sida ay booliisku sheegeen.

Mr Masedi ayaa la sheegay in uu dhintay 15 January lana aasay 7 maalin ka dib.

Leave a Reply

Your email address will not be published.