Soomaali ku geeriyootay dhul-gariirkii ku dhuftay Turk-yga.

Soomaali ku geeriyootay dhul-gariirkii ku dhuftay Turk-yga.

Istanbul (Raxanreeb ) Dhulgariirkii ku dhuftay magaalooyin ka mid ah dalka Turky-ga waxaa ka mid ah dadka waxyeeladu ay ka soo gaartay dad Soomaaliyeed oo ku noolaa magaalooyinka ay masiibadu ka dhacday.

Inta badan waxaa la soo warinayaa in ay u badan yihiin arday halkaas wax ka baranaysay dadka Soomaalida ee ku geeriyooday dhulgariirka ka dhacay magaalooyin ka mid ah Turky-ga.

Dhismayaasha hoostooda oo badan oo mayd ah iyo kuwa garaab ahba laga soo saaray dadka ku jiray waxaa ka mid ahaa laba ka mid ah ardayda Soomaalida ah ee wax ka baranaysay dalkaas.

Waxaa lagu soo waramayaa in ay jiraan dad kale oo laga baadi-goobayo  burburka dhismayaasha hoostiisa, kuwaas oo qaarkood Soomaali yihiin, isla markaana xaaladu ay tahay mid cakiran.

Jaaliyadda Soomaalida dalka Turky-ga , ayaa baadi goobaya dad kale oo laga yaabo in ay waxyeelo ka soo gaartay dhulgariirka ku dhuftay  dalkaas oo wali waxaa jira dad kale oo la-raad raadinayo.

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa xaalad degdeg ah ku soo rogay illaa 10 gobol, isaga oo amar ku siiyey, in ciidamadu ay ka qayb qaataan gurmadka dadka ku barakacay dhulgariirka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.