Xabad- joojinta Suudan oo Waqti lagu daray & rasaas wali la maqlayo

Xabad- joojinta Suudan oo Waqti lagu daray & rasaas wali la maqlayo

Khartoum (Raxanreeb ) Xaalad hubaal la’aan ayaa ka taagan wali magaalooyinka dalka Suudaan halkaas oo ay isku hayaan dhinacyada ay dirirtu u dhaxeeyso ee dalkaas.

Waxaa ka socda dadaalo la xiriira sidii loo joojin lahaa dagaalka ka socda dalka Suudaan kaas oo sababay khasaare lixaad leh.

Dhinacyada isku haya Suudana oo isku raacay xabad joojin ayaa hadda lagu soo waramayaa in ay diyaar u yihiin in la kordhiyo xabad joojinta.

In ka badan 72 saacadood ayay isku afgarteen dhinacyadu in ay socoto xabad joojinta waxase jira magaalooyinka qaar oo laga maqlayo rasaasta.

Dowladda Maraykanka ayaa sheegay inuu ka walaacsan yahay xadgudubyada ka dhanka ah, heshiiska xabbad-joojinta wuxuuna dhinacyada uu ku booriyay joojinta dagaalka.

Boqolaal qof ayaa ku dhintay dagaalada ka socda dalka Sudan, halka ay ku barakaceen kumanaan qof, ka dib dagaalladii adkaa ee dhexmaray ciidamada Sudan iyo xoogagga sida gaarka ah u tababaran ee RSF.

Leave a Reply

Your email address will not be published.