Hargeysa (Raxanreeb online) – Shir guddoonka iyo Xildhibaanada Golaha Wakiillada Somaliland ayaa waxaa hortagay qeybtii koowaad ee Golaha Wasiirada oo ka koobaan 19 Wasiir oo ka tirsan Xukuumadda WADAJIR iyo WAXQABAD ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi.
Sidoo kale, Ujeedada ay 19-ka Wasiir u hor tageen Golaha Wakiillada ayaa aheyd in Goluhu uu ka guto wajibaadkooda la xiriira Ansixinta Xubnaha Golaha Wasiirada, sida ku cad Dastuurka Somaliland.
Dhammaan 19-ka Wasiir ee hor tagay Golaha Wakiilladu, waxay Golaha ka hor jeediyeen hadalo kooban oo la xiriira arimaha mudnaanta u leh harumarinta Somaliland.
Wasiiradu waxay mid mid Golaha Wakiillada hortiisa ka sheegeen, isla markaana ay ka xog warameen qorshayaasha u dejisan iyo arimaha ay siinayaan mudnaanta ee la xiriira Wasaaradaha uu Madaxweynuhu u igmadey .
Dhanka kale, hadalada ay Golaha ka hor jeediyeen 19-ka wasiir waxa ay ahaayeen kuwo salka ku haya wax qabad-yada looga fadhiyo Xukuumadda kuwaasoo la xiriira Qorshaha Horumarinta NDP-3 iyo Barnaamij Siyaasadeedka Xisbiga WADDANI iyo Xukuumadiisa WADAJIR iyo WAX-QABAD.
Dhammaan Wasiirada hor tagay Golaha Wakiillada waxa ay mid mid Gole weynaha uga codsadeen in loo ansixiyo xilalka Wasiir-nimo si ay u gataan hawlaha baaxda leh ee uu Madaxweynuhu u igmadey .
Ugudambeyntii, guddoomiyaha Golaha Wakiilladu waxa uu Gole weynaha ka codsadey in mid mid cod gacan taag ah lagu ansixiyo Wasiirada, taas oo uu Golahu cod aqlabadiyad ah ku ansixiyeen dhammaan 19 Wasiir ee hortagtay golaha Wakiilada Somaliland.
Leave a Reply