Guddoomiyaha cusub ee Midowga Afrika oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Wefdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha cusub ee Ururka Midowga Afrika Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Garoonka  diyaaradaha ee Aadan Cadde, waxaa ku soo dhoweeyay  Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac, xubno ka socday gollaha wasiirrada Xukuumadda iyo mas’uuliyiinta howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

Inta uu ku sugan yahay magaalada Muqdisho, guddoomiyaha cusub ee Midowga Afrika Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa waxa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, waxa ay kawada hadli doonaan arrimo muhiim u ah Soomaaliya iyo Ururka Midowga Afrika.

Waa safarkii ugu horeeyay ee uu Muqdisho ku yimaado guddoomiyaha Midowga Afrika Maxamuud Cali Yuusuf oo la doortay 25 bishii Feberaayo 2025.

Soomaaliya ayaa door muhiim ah ka qaadatay doorashada uu ku soo baxay guddoomiyaha cusub ee Midowga Afrika Maxamuud Cali Yuusuf.

Leave a Reply

Your email address will not be published.