Guddoomiye Shuute oo ka hadlay baaritaanka ku socda Ninkii katirsanaa Macawiisleeyda ee ku biiray Shabaab

Alkowsar ( Raxanreeb Online) Guddoomiyaha Maxkamada darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed Con. Xasan Cali Nuur Shuute, oo degmada Alkowsar ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kula hadlayay  tobaneeyo katirsan ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka ee Macawiisleey, ayaa ka hadlay dagaalka Al-shabaab sida uu yahay mid loo baahan yahay in lasii xoojiyo.

Guddoomiye Shuute, oo hadallo dardaaran ah u jeedinayay ciidamada kala duwan, ayaa tusaalo u soo qaatay kiiska Cabdi Wabiir oo todobaadkii lasoo dhaafay isaga iyo 24 kale oo rag ah ay iska dhiciyeen dagaalyahanadii katirsanaa Al-shabaab ee weerarka ku soo qaaday deegaanka Ceel Cali Axmed ee katirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Waxa uu sheegay guddoomiye Shuute in laamaha amniga ee dowlada ay su’aalo weydiin iyo baaritaan ay ku wadaan ninka lagu magacaabo Cabdi Wabiir oo katirsan macawisleeyda Shabeellaha Dhexe, oo maalin kaddib dagaalkii Ceel  Cali Axmed gacanta u galay Al-shabaab, balse dib uga soo baxsaday kooxda markii ay ka duubeen muqaal dhaliil ah oo dowladda u jeediyay.

“Waa la baaraya Cabdi Wabiir haddii uu yahay halyeey geesi ah oo Dawaco heshay, wuxuu noo ahaanayaa  halyeeygiisa, balse haddii uu Kitaabka uu si qaldan ugu camal falay talaabo ayaa laga qaadaya” ayuu yiri guddoomiye Shuute.

Dhinaca kale Guddoomiye Xasan Cali Nuur Shuute, ayaa sheegay in laga dhowr sugayo waxa uu noqon doono baaritaanka ku socdo Cabdi Wabiir natiijada ka soo baxdo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.