Muqdisho ( Raxanreeb Online) Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa qoraal uu soo saaray ku ganaaxay Xildhibaanno katirsan Golaha shacabka oo 28-kii Janaayo 2026 rabshado ka dhex sameeyay kulankooda oo ugu danbayn lagu kala tagay.
Qoraalka ayaa lagu sheegay magacyada xubnaha la ganaaxay oo isugu jiray Muxaafid iyo Mucaarad kuwaas oo qaarkood isu gacan qaaday inkasta oo markii danbe ay ka heshiiyeen gacan-qaadkaas balse waxaa lagu qaaday xeer hoosaadkooda.
Xildhibaanada ayaa waxaa lagu ganaaxay 12 kulan inaysan ka qeyb gali Karin fadhiyada guud ee labada aqal iyo kan gaar ah ee golaha shacabka, waxaana ganaaxa uu bilaabanaya 2-da bisha oo berri ah.



Leave a Reply