Halkuu marayaa Ololaha doorashada Kursiga  Guddoonka IGAD ?

Halkuu marayaa Ololaha doorashada Kursiga  Guddoonka IGAD ?

Adis Ababa (Raxanreeb )- Olole xoogan ayaa ka socda wadamda Bariga Afrika kaas oo la xiriira doorashada  Kursiga  Guddoomiyaha   Midowga Afrika kaas oo dhawaan  la qorshaynayo inuu dhaco.

Dalal badan oo Soomaaliya ay ku jirto ayaa ku guda jira Olole xooggan oo ay ku doonayaan in ay ku soo baxaan kursigan Guddoomiyaha midowga Afrika.

Sida qorshuhu uu yahay Doorashada ayaa dhici doonta bisha Febraayo 2025 inta lagu guda jiro shir madaxeedka Midowga Afrika.

Madaxda wadamada bartamaysa ayaa wada  olole iyo xulufaysiyo kala duwan oo ay ku doonayaan in ay ku guulaystaan Kursigan waxaana dalkaas ka mid ah Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa markii ugu horraysay u tartami doonta xilka guddoomiyaha Midowga Afria, waxaana xilkaas  u sharraxan wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Fowsiyo Xaaji Aadam.

Dalalka Waqooyiga Afrika ayaa soo gudbin doona rag iyo dumar isugu jira oo u taagan xilka guddoomiye ku xigeenka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.