CABURIN : Beegsi & ugaarsi lagu hayo dadka isticmaala baraha bulshada.

CABURIN : Beegsi & ugaarsi lagu hayo  dadka isticmaala baraha bulshada.

Muqdisho (Raxanreeb )- Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ay u  digayso shaqsiyaadka baraha bulshada ku dhaliila dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Qoraal uu soo saaray Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in talaabo adag laga qaadi doono qof kasta oo isku daya kicin dadwayne iyo soo bandhigid waxyaabo aan u wanaagsanayn dhaqanka.

Inkastoo tani la leeyahay waa talaabo wanaagsan hadana, waxa jira dad badan oo la xiray kuwaas oo la sheegay in ay u gafeen madaxda dowladda Soomaaliya.

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta C/raxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa ka hadlay dadka sida qaldan u isticmaala barah bulshada ee  ku soo gudubiya waxayaabahaa liidiga ku ah xeerarka dalka u yaalah iyo qawaaniinta ay hoosta ka xariiqay in ay dowaadda Soomaaliya marnaa raalli ka ahayn.

Hadalkan iyo kuwo kale oo ka soo yeeray masuuliyiin ka tirsan dowladda ayaa loo arkaa in ay bilow u tahay qorshe dowladda ay ku doonayso inay ku weerarto siyaasiin badan oo hadda ka aragti duwan.

Waxaa isa soo taraya hanjaabadaha ka soo yeeraya madaxda dowladda ee ka dhanka ah dadka adeegsada baraha bulshada ama ka soo muuqda warbaahinta ee dhaliila madaxda hadda joogto.

Soomaaliya malaha waqtigan xeer kala nidaamiya baraha bulshada , waxase jira xeer warbaahin oo qabyo ah oo ay wali diidan yihiin warbaahinta Soomaaliyeed qaybahooda kala duwan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.