Laftagareen oo dhaariyay xildhibaanadiisa cusub

Laftagareen oo dhaariyay xildhibaanadiisa cusub

Baydhabo (Raxanreeb) — Madaxweynaha Dowlada Gobaleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ka qeybgalay Munaasabad lagu dhaarinayey Xubnaha Cusub Gollaha Wasiiradda Dowladda Koonfur Galbeed.

Ku-Simaha Gudoomiyaha Baarlamaanka, Gudoomiyaha Maxkamada Sare, Wasiiro, Xildhibaano iyo Marti sharaf kale ayaa Goobjoog ahaa Munaasabada Dhaarinta Xubaha Cusub Gollaha Wasiirada.

Madaxweynaha Dowlada Gobaleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo ka hadlay munaasabadda lagu dhaarinayay Wasiirrada ayaa kula dardaarmay in ay xilka loo magacaabay ay uga soo dhalaalaan sidii loogu dhiibay.

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa isku Shaandheyn iyo magacaabis Cusub ku Sameyey Gollaha Wasiirada Dowladda Koonfur Galbeed, kaddib wareegto ka soo baxday xafiiskiisa July 23, 2023-ka.

Madaxweyne Laftagareen ayaa Xasan Cabdulqaadir Maxamed oo ahaa Wasiirka Caddaaladda u magacaabay Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed. Ibraahim Aadan Cali Najax oo ahaa Guddoomiyihii hore ee Gobolka Shabeelaha Hoose ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa loo magacaabay Wasiirka Caddaaladda DG Koofur Galbeed.

Nasra Aweys Sheekh Xuseen waxaa loo magacaabay Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul insaanka DG Koofur Galbeed. Mustaf Axmed Iidoow waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare.

Isaaq Cali Subax oo ahaa Wasiirkii hore ee Amniga dowlad gobaleedka Koofur Galbeed ahna Xildhibaan katirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Maamulka Koonfur Galbeed.