Horjogaal sare oo katirsan kooxda AS oo lagu dilay gobolka Baay

Shabeellaha Hoose ( Raxanreeb Online) Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ciidanka xoogga dalka gaar ahaan kuwa Kumaandooska Danab oo kaashanaya saaxiibada caalamiga, ay xalay ka fuliyeen y deegaanka Buula Fuleey ee gobolka Baay.

Howlgalkan ayaa la fuliyay goobo iyo gabaadyo ay maleeshiyaadka Al-shabaab ku la hayeen deegaankaasi, waxaana lagu dilay 20 xubnood oo isugu jira horjogaal iyo maleeshiyaad katirsan kooxda Al-shababaab.

Deegaanka Buula Fulaay ee gobolka Baay, ayaa kamid ah deegaanada ay Al-shabaab ku lee yihiin xarumaha ugu waa weyn oo weerarada uga qadaan magaalooyinka gobolka Baay.

Sidoo kale howlgalka ayaa la sheegay in lagu burburiyay Idaacad ku hadasha afka Al-shabaab taasi oo ku taallay deegaanka Buula Fulaay, hayeeshe lama shaacin magacyada horjogayaasha xalay lagu dilay howlgalka ka dhacay deegaankaasi.

Howlgalkan ayaa ku soo beegmaya xili maalmo ka hor gobolka Jubbada Dhexe, laguna beegsaday qaar kamid ah horjogayaashii ugu sareeyay kooxda Al-shabaab

Leave a Reply

Your email address will not be published.