Bardaale ( Raxanreeb Online) Howlgal qorshaysan oo ay ciidanka amniga degmada Berdaale ka fuliyeen deegaanka Kooney ayaa lagu dilay Macalin Qaddiid, oo ahaa horjooge sare oo ka tirsanaa koox da Al-shabaab.
Horjoogaha la dilay ayaa madax ka ahaa ururinta waxa ay ugu yeeraan Sakaawaadka oo ah lagacaha ay ka qaadaan shacabka ku nool deegaanada hoos yimaada degmada Berdaale ee gobolka Baay.
Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in howlgalka uu yimid kaddib markii la helay xog sirdoon oo ku saabsan halka uu ku sugnaa Macalin Qaddiid iyo xubno kale oo la socday.
Waxaana taasi ay suura gelisay in ciidamada ay weeraraan goobta, iyagoo halkaas ku dilay horjoogahan, iyagoona kasoo furtay qori Ak 47 iyo mooto fekon, halka xubnihii kale ay qaarkood baxsadeen.
Leave a Reply