Howlgal waji cusub ah oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Muqdisho (Raxanreeb )  Dowladda Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho kaga dhawaaqday howlgal balaaran oo ay ku beegsanayo  guryaha iyo xaafadaha  gobolka  Banaadir.

Howlgalkan ayaa Dowladda waxa ay  sheegtay in ay ku beegsanayo guri iyo xaafad si loo sugo amniga  caasimadda oo maalmahan ay ka dhacayeen falal ami darro.

Howlgalkan oo ay  iska kaashanayaan ciidamada booliiska iyo nabad sugida ayaa ka bilowday dhoor degmo oo kuyaalla Muqdisho.

Waxa la sheegay  in howlgalkan xalay lagu baaray xaafad xaafad iyo guri guri , saraakiisha ciidanka ayaa dhankooda ka gaabsay in faahfaahin ay ka bixiyaan howlgalka ay bilaabeen.

Dad  badan ayaa la sheegay in  howlgalkan lagu soo qab- qabay kuwaas oo la isugu keenay goobo gaar ah oo ku yaala magaalada Muqdisho.

Si kasta Dowladda soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sugida  magaalada Muqdisho oo marar badan ay ka dhaceen falal amni darro.

Leave a Reply

Your email address will not be published.