Xarardheere ( Raxanreeb ) Wararka RBC uu ka helayo deegaano ka mid ah gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaas ay ka dhaceen duqeymo hor leh oo waxyeelo gaystay.
Waxaa lagu soo waramayaa in maanta oo Arbaca ah diyaarado dagaal duqeyn xoogan ay ka geysteen degaano hoostaga Magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug.
Taliyaha Guutada 16-aad kumaandooska Danab G/Dhexe Axmed Cabdullaahi Nuur Beeryare ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalka ay hawlgal ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyeen Degaannada Miiroon iyo Baraag Ismaaciil oo hoostagta Xarardheere.
Degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa ka mid ah deegaanadii dhawaan ciidanka Dowladda iyo kooxaha deegaanka ay ka saareen kooxda Al- Shabaab oo sanado badan halkaas maamulayay.
Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan sidan oo kale waxa ay duqeymo ay ugu fuliyeen deegaano badan oo ay ku tuhmayeen kooxda Al Shabaab.
Goobaha duqeymaha ay ka dhacaan ayaa Dowladda Soomaaliya waxa ay sheegtay in ay tahay meelo aysan ku sugneen dad rayid ah
Leave a Reply