Muqdisho (Raxanreeb ) Dowladda Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho kaga dhawaaqday howlgal balaaran oo ay ku beegsanayo guryaha iyo xaafadaha gobolka Banaadir.
Howlgalkan ayaa Dowladda waxa ay sheegtay in ay ku beegsanayo guri iyo xaafad si loo sugo amniga caasimadda oo maalmahan ay ka dhacayeen falal ami darro.
Howlgalkan oo ay iska kaashanayaan ciidamada booliiska iyo nabad sugida ayaa ka bilowday dhoor degmo oo kuyaalla Muqdisho.
Waxa la sheegay in howlgalkan xalay lagu baaray xaafad xaafad iyo guri guri , saraakiisha ciidanka ayaa dhankooda ka gaabsay in faahfaahin ay ka bixiyaan howlgalka ay bilaabeen.
Dad badan ayaa la sheegay in howlgalkan lagu soo qab- qabay kuwaas oo la isugu keenay goobo gaar ah oo ku yaala magaalada Muqdisho.
Si kasta Dowladda soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sugida magaalada Muqdisho oo marar badan ay ka dhaceen falal amni darro.
Leave a Reply