Muqdisho ( Raxanreeb Online Safaaradda Ingiriiska ee Soomaaliya, ayaa soo dhoweeysay wada-hadalada dowladda federaalka iyo golaha Mustaqbalka Soomaaliya, si ay uga xaajodaan arrimaha doorashooyinka iyo geeddi socodka siyaasadda dalka.
Qoraalka kazoo baxay safaaradda Ingiriiska, ayaa lagu sheegay in UK ay soo dhoweyneyso wada-hadallada dib u yesheen dhinacyada isku haya siyaasadda ee dowladda iyo mucaaradka.
“UK ayaa sheegtay in ay ka shaqeynayso dhexdhexaadinta dhinacyada ee isku haya qodobada wali ay isku hayaan, waxayna sheegtay in dhammaan dhinacyada ay ku boorinayso Tanaasul & sii wadada wada hadalka. Sida muuqata wakiilada caalamiga ah ayaa bilaabay dadaalkooda la xariira in ay dhinacyada Soomaalida isku soo jiidaan oo ay dhex fariistaan kahor bisha April ee sannadkan” ayaa lagu yiri qoraalka kazoo baxay safaaradda UK.
Sidoo kale waxaa horay u soo dhoweeysay Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, iyada oo ku bogaadisay dowladda iyo golaha Mustaqbalka Soomaaliya, si ay uga go,an tahay in ay isla meel dhigaan qodobada ay isku hayaan si dalka uu qalalaaso siyaasadeed u galin.
Sikastaba, shirkii u dhaxeeyay dowladda iyo mucaaradka ayaa ku soo dhammaaday natiijo la,aan, kaddib markii xubnaha ay isku fahmi wayeen qodobada kala duwan ee ay ka wada-hadlayeen.

Leave a Reply