Isbarbardhigga awoodda milatari ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Isbarbardhigga awoodda milatari ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Muqdisho  (Raxanreeb ) Khilaaf dhanka diblomaasiyadda oo dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa soo shaacbaxay ka dib markii Itoobiya ay Jamhuuriyadda Gooni Isutaageeda ku dhawaaqday Somaliland la saxiixatay heshiis is afgarad ah oo ah in Itoobiya ay si ay u isticmaasho mid ka mid ah dekadaheeda.

Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa hore adeegsiga badda ugu sheegay inay arrin muhiim ah u tahay dalkiisa.

Heshiiskan is afagardka ah ayaa waxaa si adag uga fal-celliyay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad u jeediyay baarlamaanka oo kulan degdeg ah la isugu yeeray kaddib heshiiskii shalay ee Itoobiya iyo Somaliland, hadalladiisa waxaa ka mid ah:

Madaxweynaha ayaa marka hore ku dheeraaday taariikhdii soo dhex martay Itoobiya iyo Soomaaliya, isagoo sheegay inay soo martay taariikh ku saleysneyd colaado iyo dagaal.

Isagoo ka hadlayay kulankii shalay ayaa wuxuu yiri: “Bisha January 1-deeda 2024 waxa dhacay wax cusub waaye, laakiin aan curato ku ahayn taariikhdii hore ee aan soo marnay. Cid awood u leh cad ka mid ah soomaaliya inay bixiso ma laha, awoowayaasheennaa diiday, annagoo hadda nool baa didnay, sinna suurtogal kuma aha inta yar ee aan hadda heysanno oo inaan horumarsanno oo qurxinno aan ku ballanay in maanta cad ka mid ah uu baxaahi dadka Soomaaliyeed ma oggola meel walba oo ay joogaan.

Haddaba waxaanu eegeynaa isbarbardhigga awoodaha military ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Awoodda milatari ee Soomaaliya

Tirada ciidanka milatariga Soomaaliya ee hadda shaqeeya waa qiyaastii 17,500 oo askari, sida lagu xusay warbixinta wargeyska Global FirePower.
Qoraalka sawirka,Tirada ciidanka milatariga Soomaaliya ee hadda shaqeeya waa qiyaastii 17,500 oo askari, sida lagu xusay warbixinta wargeyska Global FirePower.

Sida ku xusan warbixinta uu diyaariyay wargeyska Global FirePower, tirada shacabka Soomaaliya qiyaas ahaan waa 12,368,248.

Tirada dadka ku biiri kara ciidamada waxaa lagu qiyaasay 2,848,837 ruux, oo u dhigma 24.0%, oo ka mid ah shacabka guud.

1,709,302 oo qof ayaa awood buuxda u leh inay ka mid noqdaan ciidanka.

Sanad kasta tirada dadka ay da’dooda soo gaadho heer ay ciidanka ku biiraan waa 123,862 qof.

Tirada ciidanka milatariga Soomaaliya ee hadda shaqeeya waa qiyaastii 17,500 oo askari, sida lagu xusay warbixinta wargeyska Global FirePower. Ma jiro ciidan keyd u ah milatariga Soomaaliya.

Wargeyska ayaa sannadkan qoray in Soomaaliya aysan heysanin taangiyo u diyaarsan.

Hase yeeshee waxa uu xaqiijiyay in Soomaaliya ay haysato 65 oo ah gawaarida gaashaaman.

Soomaaliya ma laha madaafiicda iskood isu haga ah.

Awoodda Ciidamada Badda – Soomaaliya

Hantida guud ee Ciidanka Badda ee dalka Soomaaliya guud ahaan waxaa lagu sheegay 3, halka tirada ciidamada baddana uu wargeyska ku sheegay inay gaarayaan ilaa 300.

11 doomood ayaa sameeya kormeerka biyaha ee joogtada ah.

Soomaaliya ma laha Maraakiibta diyaaradaha qaada, kuwa wax burburiya, maraakiibta dagaalka ka yar kuwa wax burbirya, kuwa biyaha hoostooda mukhuurta, kuwa ilaaliya maraakiibta kale iyo waliba maraakiibta miinooyinka baadha.

Awoodda Ciidanka Cirka – Soomaaliya

Soomaaliya xilligan ma laha awood dhinaca ciidanka cirka ah, sida uu xogtiisa kusoo bandhigay wargeyska sanad kasta qiimeeya awoodda milatari ee wadamada caalamka. Hase yeeshee tirada ciidamada cirka ayuu wargeyka ku sheegay inay tiro ahaan yihiin 300 oo askari.

Dhaqaalaha ku baxa dhinaca milatariga – Soomaaliya

Miisaaniyadda loo qoondeeyo howlaha gaashaandhigga ama difaaca ee dalka Soomaaliya waa $63,934,000 oo doolar.

Awoodda ay Soomaaliya u leedahay inay sare ugu qaaddo awoodeeda militari ayaa lagu qiyaasay 13, 190,000,000 oo doolarka Mareykanka ah.

Deynta dibadda waa 5, 300,000,000 halka sannadkii hore ay ka ahayd.

Muhiimadda Juqraafi ahaan – Soomaaliya

Baaxadda dhulka ee labo jibbaaran waa 637,657 km.

Dhulka xeebta ku teedsan waa 3,025 km.

Xuduudda ay waddamada kale la wadaagto waa 2,385 km.

Soomaaliya ma laha marin biyoodyo la isticmaali karo.

Waxaa xusid mudan in Sannadkan Soomaaliya laga qaaday cunaqabateyntii hubka oo saarnayd in ka badan 30 sannadood taas oo u sahleysaa inay soo iibsan karto hub horay mamnuuc uga ahaa.

Awoodda milatari ee Itoobiya

Itoobiya waxay ka mid tahay shanta waddan ee ugu awoodda badan qaaradda Afrika
Qoraalka sawirka,Itoobiya waxay ka mid tahay shanta waddan ee ugu awoodda badan qaaradda Afrika

Itoobiya waxay ka mid tahay shanta waddan ee ugu awoodda badan qaaradda Afrika, marka laga soo tago waddamada kaalmaha ka horreeya ku jira ee Afrika, oo kala ah 1- Masar, 2-Algeria, 3-South Africa, iyo 4-Nigeria.

Sida ku xusan warbixinta uu diyaariyay wargeyska Global FirePower, tirada shacabka Itoobiya qiyaas ahaan waa 113,656,596.

Tirada dadka ku biiri kara ciidamada waxaa lagu qiyaasay 54,555,166 ruux, oo u dhigma 48%, oo ka mid ah shacabka guud.

33,869,666 oo qof ayaa awood buuxda u leh inay ka mid noqdaan ciidanka.

Sanad kasta tirada dadka ay da’dooda soo gaadho heer ay ciidanka ku biiraan waa 1,989,698 qof.

Tirada ciidanka milatariga Itoobiya ee hadda shaqeeya waa qiyaastii 150,000 oo askari, sida lagu xusay warbixinta wargeyska Global FirePower. Ma jiro ciidan keyd u ah milatariga Itoobiya.

Awoodda Ciidanka Cirka – Itoobiya

Awoodda ciidanka cirka ee Itoobiya waa 89.

Itoobiya waxay leedahay:

23 diyaaradaha dagaalka ah.

9 saanadda kala gudbiya.

26 loogu talagalay tababarka.

31 diyaaradaha qumaatiga u kaca ah.

6 diyaaradaha qumaatiga u kaca ee weerarrada fuliya ah.

Itoobiya ma laha diyaarado loogu talagalay howlgallada khaaska ah.

Awoodda Ciidamada Dhulka – Itoobiya

Waxay haysataa 319 madaafiicda la jiido ah.
Qoraalka sawirka,Waxay haysataa 319 madaafiicda la jiido ah.

468 taangi.

6,240 gawaadhida gaashaaman.

100 madaafiicda iskood isku haga.

319 madaafiicda la jiido ah.

183 qalabka lagu rido gantaallada ah.

Awoodda Ciidamada Badda – Itoobiya

Itoobiya ma laha awood dhinaca ciidanka badda ah, sida uu xogtiisa kusoo bandhigay wargeyska sanad kasta qiimeeya awoodda milatari ee wadamada caalamka.

Taasi waxay ka dhigan tahay in Itoobiya aysan lahayn ciidan kuwa badda ah iyo maraakiib toona.

Dhaqaalaha ku baxa dhinaca milatariga – Itoobiya

Miisaaniyadda loo qoondeeyo howlaha gaashaandhigga ama difaaca ee dalka Itoobiya waa $358,000,000 oo doolar.

Deynta dibadda waa $30,000,000,000.

Muhiimadda Juqraafi ahaan – Itoobiya

Baaxadda dhulka ee labo jibbaaran waa 1,104,300 km.

Itoobiya ma laha dhul ku teedsan xeeb.

Xuduudda ay waddamada kale la wadaagto waa 5,925 km.

Marin biyoodyada la isticmaali karo waa 104,300 km.

Source  :  BBC Somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published.