DHAC laga soo sheegayo xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho.

DHAC laga soo sheegayo xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho.

Muqdisho (Raxanreeb ) Degmooyin ka mid ah magaalada Muqdisho ayaa laga soo sheegaya caawa in ay ka dhaceen dhac loo gaystay dadka ku nool xaafadaha qaar ee magaalada.

Degmada Hodan ayaa ka mid ah meelaha caawa laga soo sheegayo in ay ka dhaceen falalka la xiriira dhaca sida ay ku warameen dad ku sugan degmada Hodan .

Xaafadaha dhaca ay ka dhaceen waxaa isugu soo baxay ayaa sheegaya in goobaha qaar ay soo gaareen ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Laamaha amniga ee Dowladda Soomaaliya wali wax faahfaahin ma aysan ka soo saarin xaaladaha ka taagan xaafadaha qaar ee magaalada Muqdisho.

Dhawr jeer sidan oo kale degmooyinka qaar ee magaalada Muqdisho iyo duleedyadeeda waxa ka jiray dhac ay gaysanayeen rag hubaysan kuwaas oo qaarkood gacanta ay ku dhigeen ciidanka Dowladda Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.