Maxaa kulmiyey Shirkii Jabuuti iyo Dhul boobka Ethiopia ?.

Maxaa kulmiyey Shirkii Jabuuti iyo Dhul boobka Ethiopia ?.

Muqdisho  (Raxanreeb ) Magaalada  Jabuuti  ee dalka Jabuuti waxaa dhawaan kulmay Madaxwaynaha Dowladda Federaalka ah ee  Soomaaliya Xasan  Sheekh Maxamuud iyo Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Labada  dhinac waxa ay ku kala saxiixdeen magaalada Heshiis dhinacyo badan , taabanaya , oo la xiriira Geedi socodka wada –  hadalada oo in mudda ah oo jiitamayay oo aan laga gaarin wax  horumar ah oo la taaban karo.

Marka uu dhacay  kualnkaas Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa si toos ah ugu duulay magaalada Adis Ababa , halkaa soo uu ku galay heshiis is afgarad ah oo dhaliyay muran badan.

Mr  Biixi ayaasaxiixay MoU ama Heshiis Ethiopia lagu siinayo 20KM dhulka Soomaaliya kamida. Wali lama hayo nuqulka rasmigaa ee heshiiskaas oo ay soo bandhigeen  Abiy Ahmed iyo Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi.

DURBA :  Waxaa soo baxaya warar badan oo ku saabsan waxa isku xiray , heshiiskii Jabuuti ee kulanka Xasan Sheekh , Muuse  Biixi Cabdi iyo Osmael Omar Geelle.

Farta  waxaa  lagu  fiiqayaa  Osmael Omar  Geelle in wax  badan oo ku saabsan  , qorshaha Itoobiya  uu la socday , taas oo keentay isu keenista Xasan Sheekh iyo Muuse  Biixi Cabdi dhalisayna in deg deg Itoobiya ugu  safro  Muuse Biix.

Falanqeyayaasha ayaa is waydiinaya , Dawladda Soomaaliya iyo mida Jabuuti midna xogta qorshahan Ethiopia ee mudada dheer soo socday, xogtiisa ma hayn miyaa  ?!

Jawaabta  su’aashan oo looga baahnaa , Madaxwayne Xasan Sheekh , Jabuuti iyo Muuse Cabdi ayaa laga hayn marka laga reebo in Xasan Sheekh uu ka hadlay  talabadaas oo ku tilmaamay sharci darro baal marsan madax banaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Waxase Calaamad su’aal ay saran tahay , oo la hayn waxa kulmiyay heshiiska is afgarad ee Biixi iyo Aby Ahmed iyo , shirkii garwadeenka uu ahaa Madaxwaynaha Jabuuti Osmael Omar Geelle.

Wiil-waal wuxuu yiri “war maxaa kulmiyey gabadha qayladeeda iyo waranka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.