Falastiin (Raxanreeb) Millitariga Israa’iil ayaa sheegay “inay aad ugu badan tahay” askari ciidamadooda ka tirsan inuu dilay weriye Shireen Abu Akleh oo ka howlgaleysay talefishinka Aljazeera.
Militariga Israa’iil ayaa hadalkaas sheegay kaddib baaritaan dilka weriye Shireen la xiriira oo in muddo ah ay wadeen oo ay soo gabagabeeyeen.
Hadalkan waxaa loo fasirtay inay ciidamada Israa’iil qarka u saaran yihiin inay qirtaan dilka weriyaha.
Sarkaal sare oo militariga Israa’iil u qaabilsan dhanka sharciga ayaa amar ku bixiyay in dambi-baaris lagu sameeyo ciidamada lagu tuhunsan yahay inay dilkaas ku lug lahaayeen, si go’aan kama dambeys ah looga gaaro kiiska.
Qoyska Shireen waxay sheegeen hadalka ciidamada Israa’iil ka soo yeeray “in uusan la-yaab ku noqon”, ciidamada Israa’iilna ay isku dayayaan inay xaqiiqda iska indha-tiraan si ay mas’uuliyadda dilka uga cararaan.
Weriyaha ayaa xerada qaxootiga ee Jenin gaartay 11-kii May, xilli ay rasaas isweydaarsanayeen ciidamada Israa’iil iyo maleeshiyaadka Falastiiniyiinta, iyada oo xirneyd agabka xabbadda looga gaashaanto oo midab buluug ah leh oo ay ku qoran tahay ‘Press’ oo ay weriyeyaashu qaataan.
Ciidamada Israa’iil waxay horay u diideen inay weriyahaasi askartooda dileen, balse ay ku dhacday xabbad wiifto ah oo aysan garaneyn halka laga soo riday.
Halka dadka dhacdadaas goobjoogga u ahaa ay sheegeen inay ciidamada Israa’iil toogteen weriye Shireen Abu Akleh iyada oo markii dambena guddi Qaramada Midoobay ka socday ay sheegashadaas taageereen, iyaga oo ka duulaya caddeymo ay ku heleen baaritaan ay sameeyeen.
Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Israa’iil ayaa Isniintii sheegay in ay jirto suurtagalnimada in si khalad ah lagu toogtay “si qaldanna uu u toogtay askari ka tirsan ciidamadooda, uusanna askariga aqoonsan inay weriye tahay.
Wuxuu sidaas oo kale sarkaalku sheegay inuu arrinta kala hadlay askariga loo maleynayo inuu ku lug lahaa: “Wuxuu noo sheegay waxa uu sameeyay, wuxuuna noo sheegay inuu khalad ku dhacay dilka weriyaha.”
Ciidamada Israa’iil waxay ku sugnaayeen goobta weriye Shireen lagu dilay meel u jirta 200 mitir. Muuqaallo dilka caddeynaya oo la heleyna waxay muujinayaan xabbado dhowr ah oo ka soo dhacaya dhanka cidamada Israa’iil iyo xabbadaha oo ku dhacaya halka ay weriyeyaashu ku sugnaayeen.
Kooxaha xuquuqda aadanaha ee Israa’iil iyo Falastiin waxay marar badan cambaareeyn xooggan u soo jeediyeen nidaamka ay wax u baaraan iyaga oo ku doodaya inay askartooda difaacaan marka lagu soo oogo dacwado la xiriira dhibaato ay Falastiiniyiinta u geysteen.
Shireen Abu Akleh oo ay da’deedu 51 jir ahayd oo muddo dheer wararka ka soo tabinaysay Daanta Galbeed ayaa xilliga la tooganayay si toos ah u tabinaysay iska-hor-imaad ay ciidamada Israa’iil ku lug lahaayeen oo ka dhacay halkaas, waxaana la sheegay in ay rasaas uga dhacday madaxa.
Waa weriye aad looga yaqaanno Bariga Dhexe, iyada oo ka mid ah weriyeyaasha ugu saamaynta badan Laanta Carabiga ee Aljazeera, waxayna halkaas ka shaqaynaysay muddo 15 sano ah.
Weriye Nida Ibraahim oo la shaqeysa Telefishinka Aljazeera ayaa sheegtay in Shareen ay ahayd “Saxafiyad aad loo ixtiraamo” waxayna sheegtay in toogashada weriyaha uu “naxdin ku yahay saxafiyiinta la shaqaynaysay”.
Sida ay tabisay Aljazeera, wasiirka arrimaha dibedda Qatar ayaa falka Israa’iil xilligaas ku tilmaantay fal argagixiso oo uu qaran maalgalinayo.
Qoyska Shireen oo markii dambe magaalada Washington DC kula kulmay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Anthony Blinken waxay u sheegeen in maamulkoodu aanu wali “si buuxda uga jawaabin baaqooda ku aaddan inay Shireen caddaalad hesho.”
BBC SOMALI
Leave a Reply