Qaramada Midoobay oo ka digtay macluusha ugu daran ee Abaaraha Soomaaliya

Qaramada Midoobay oo ka digtay macluusha ugu daran ee Abaaraha Soomaaliya

Muqdisho (Raxanreeb) War kasoo baxay isku duwaha gargaarka degdega ah ee Qaramada Midoobay, Martin Griffiths, ayaa laga digay in Soomaaliya ay qarka u saaran tahay macluul, taas oo lagu sheegay inay ugu wacan tahay abaartii ugu xumayd oo Afarta sano kadib soo marta Soomaaliya.

Mudane Martin Griffiths wuxuu sheegay in Hal milyan iyo bar carruur ah oo ku nool Soomaaliya ay wajihi doonaan nafaqo-xumo ba’an bisha soo socota, haddii xaaladdu ay sii socoto oo aan wax laga qaban.

“Tobanaan sano oo colaado ah, barakac baahsan, arrimo dhaqaale oo ba’an ayaa dad badan ku riixaya inay qarka u saaran yihiin macaluul,” ayuu ku yiri sarkaalkan katirsan QM. Wuxuu sheegay in abaartu u badan tahay inay sii socoto illaa ugu yaraan sanadka 2023 Bisha Maarso.

Marka loo eego warbixinta falanqaynta haqab-beelka cuntada iyo nafaqeynta ee Soomaaliya, oo sidoo kale la sii daayay Isniintii shalay, ilaa 7.1 milyan oo qof oo ku nool Soomaaliya oo dhan, ayay abaartu aad u saameysay.

Qaramada midoobay ayaa sheegtay in dadka Soomaaliyeed ay abaartu saameysay ay u baahan yihiin gargaar deg-deg ah, oo dhinacyo badan leh si loo daweeyo loogana hortago nafaqo-xumada ba’an loona yareeyo tirada sii socota ee dhimashada iyo kuwa soo wajahaya xaaladaha caafimaad darro.

Meelo badan oo kamid ah Koonfurta iyo Bartmaha dalka Soomaaliya ayaa waxaa xilligaan kajirta abaar xoogan taas oo saameysay dad iyo Duunyo, waxaana weli jirin cid sirasmi ah ugu soo gurmatay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.