Kismaayo (Raxanreeb online) – Jubbaland ayaa cafis u fidisay ciidamo ka tirsanaa maamulkaas oo horey uga goostay kuna biiray kuwa DF oo khilaaf adag uu kala dhexeeyo madaxweynaha maamulkaas Axmed Madoobe.
Sidoo kale, guddoomiyaha degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada hoose Xasan Nuur Cabdi ayaa ku guuleystay inuu si nabad ah ku soo xareeyo ciidan ka mid ah kuwii u goostay guddoomiyihii hore ee degmadaasi kuwaa soo ay DF u adeegsanaysay iney ka hor yimaadaan madaxweynaha Maamulkaasi.
Dhanka kale, Ciidankan oo horey ugu goostay dhanka DF ayaa wadahadaldheer kadib lagu guuleystay in ay dib ugu soo laabtaan ciidanka Jubbaland ee ay horey uga midka ahaayeen.
Waxaa fashilmay isku day DF ciidamo ku geysay qeybo ka mid ah gobolka Jubbada hoose si cadaadis loo saaro Axmed Madoobe oo ka hor yimid hanaanka doorasho dadweyne oo uu damacsan yahay Madaxweyne Xassan Shiikh, isla markaana doorasho isaga u gaar ah ku qabsdaday Kismaayo.
Sikastaba, maamulka Jubbaland ayaa howlgal ciidan oo ay fulisay dhawaan ku fashilisay ciidamada DF ay geysay Raaskambooni kuwaasoo noqday intooda badan maxaabiis ahan kuwo loo qabtay laguna soo celiyey magaalada Muqdisho halka qaar kalena ay ka talaabeen xadka Kenya, kuwa kalena waxay noqdeen wax dagaalka lagu dilay iyo qaar dhaawacmay.
Leave a Reply