Kismaayo ( Raxanreeb Online) Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Dowladda Jubbaland ayaa maanta xukunkan dil ah ku fulisay dable Aadan Ibraahim Axmed Macoow, kaasoo ka tirsanaa ciidamada madaxtooyada Jubbaland. Waxa uu horey u dilay Allaha u naxariistee Cabdifataax Cumar Shariif, oo ay ka wada tirsanaayeen ciidamada madaxtooyada Jubbaland.
Muran soo kala dhexgalay labada askari, oo ku billowday kabo ciidan oo ay isku qabsadeen, ayaa ugu dambeyn sababay in mindi uu watay Aadan Ibraahim Axmed Macoow uu ku dilo saaxiibkiisii oo ay ka wada tirsanaayeen ciidamada madaxtooyada, Cabdifataax Cumar Shariif, 24-6-2025.
Baaris dheer kadib, maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Dowladda Jubbaland oo saddex jeer kiiska u fariisatay ayaa ugu dambeyn ku xukuntay dil toogasho ah Aadan Ibraahim Axmed Macoow, taas oo ah qisaasta marxuum Cabdifataax Cumar.
Ugu dambeyntii, maanta ayaa lagu fuliyay dil toogasho ah Aadan Ibraahim Macoow, iyadoo maxkamadda ciidamada Dowladda Jubbaland ay fulisay xukunka qisaasta, sida uu sheegay Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Cali, xeer ilaaliyaha maxkamadda ciidamada, oo warbaahinta u akhriyay xukunka maanta ay fulisay maxkamadda ciidamada.

Leave a Reply