Kismaayo ( Raxanreeb Online) Maamulka Jubbaland ayaa saakay markale shaaciyay in ciidamada Daraawishta Jubbaland ay markale dib ula wareegeen deegaanka Kudhaa ee hoostaga degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose, kaasi oo shalay ay dagaal ku qabsadeen maleeshiyaadka Al-shabaab.
Qoraal kasoo baxay Jubbaland ayaa lagu sheegay in saakay ciidanka Jubbaland iyo ciidanka Danab ay dhowr jiho ka weerareen deegaanka Kudhaa, isla markaana ay ka sareen maleeshiyaadka Al-shabaab ee shalay qabsaday.
“Ciidanka ayaa Saaka Magalada Dhowr Jiho kaweraray Halkaas Oo maleshiyada Khawrijta kusugnayen 24 sac wax kayar. Waxayna ciidanka gacanta kudhigeen Qeybo Kamid maleshiyada oo ay meel kabaxan wayeen kadibna Ciidamada isku dhiibay” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Jubbaland.
Al-shabaab oo shalay weerar ku biloowday qaraxyo ku qaaday deegaanka Kudhaa, ayaa sheegay in ay maxabiis ku qabsadeen iyo saanad ciidan, kaddib dagaal qaatay sacaado oo halkaasi ku dhex maray iyaga iyo ciidanka Jubbaland.
Geesta kale saraakiisha ciidanka Jubbaland, ma aysan ka hadlin warka ku soo saabsan in dagaalkii shalay ay Al-shabaab noolasha ku qabteen ciidamo katirsan daraawiishta maamulka Jubbaland.
Kooxda Al-shabaab ayaa ku sugan deegaano iyo degmooyin muhiim ah oo ku yaala Jubbooyinka, waxaana weerarkii shalay uu ku soo aadaya xili maalmihii dambe ciidanka Jubbaland iyo uwa ciidanka Danab ay kordhiyeen howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee gobolka ka socda.

Leave a Reply