Kooxda AS oo isaga baxay deegaano ku yaalla gobolka Hiiraan

Baladweyne ( Raxanreeb Online) Sida ay sheegayaan wararka anu ka heleyno gobolka Hiiraan, kooxda Al-shabaab, ayaa isaga baxay deegaano hoostaga degmada Maxaas, kaddib culusyo ay sareen ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ee Macawiisley.

Maleeshiyaadka Al-shabaab, ayaa la tilmaamaya in ay faarujiyeen deegaanada kala ah Teedan iyo Bukure oo ku yaalla inta u dhaxeeysa degmada Maxaas iyo magaalada Baladweyne.

Tallabadan ayaa lagu sheegay inay timid kaddib markii ciidamada huwanta ah ay kordhiyeen howlgallada ay kawada deegaannadaasi, taasi oo maleeshiyaadka Al-shabaab ay ku daremeen culusyo, isla markaana ku qasabtay in ay agaas ka baxaan.

Xubnahan Al-shabaab ee isga baxay labada deegaan ayaa la tilmaamay inay tageen degmada Maxaas oo ay la wareegeen gacan ku heynteeda dabayaaqadii sannadkii hore 2025.

Sikastaba, ciidamada xoogga dalka ayaa muddooyinkii dambe kordhiyay howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ay ka sameeynayaan qaar kamid ah gobollada dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.