Kooxda AS oo weerar xooggan ku qaaday deegaanka Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose

Kismaayo ( Raxanreeb Online) Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Weerar qaraxyo ku bilowday oo maleeshiyaad Al-shabaab ay ku qadeen deegaanka Kudhaa oo ah jasiirad hoos tagta degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada Hoose.

Weerarka ayaa si gaar ah loola beegsaday fariisimo ay ku sugnaayeen Ciidanka Daraawiishta maamulka Jubbaland.

Ilo ku sugan Agagaarka deegaanka Kudhaa, ayaa sheegaya in qaraxyada kadib in uu halkaasi ka qarxay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, isla markaana la maqlayay dhawaqa madaafiicda culus iyo hubka daran-dooriga u dhaca.

Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in uu jiro khasaare culus oo ka dhashay dagaalka, inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin tirada dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay weerarka.

Dagaalka ayaa haatan istaagay, waxaana xaaladda guud ee deegaanka Kudhaa ay tahay mid degan, mana helin Xogta cida ku sugan deegaanka.

Maamulka Jubbaland iyo hay’adaha ammaanka ayaan weli ka hadlin faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan weerarkan, hase yeeshee waxaa la filayaa in warar dheeraad ah laga soo saaro saacadaha soo socda.

Kooxda Al-shabaab, ayaa sheegtay in ay la wareegtay deegaanka islamarkaana Nolosha ku qabatay Xubno Maxaabiis ah laakiin ma jirto warar madax banaan oo xaqiijinaaya Sheegada kooxda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.