Muqdisho ( Raxanreeb Online) Kulanka maanta ay yesheen xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa ku soo dhammaaday buuq iyo fowdo, kaddib markii ay isku dhaceen qaar kamid ah xildhibaanada iyo guddoomiye Aadan Madoobe.
Xubno kamid ah xildhibaanada ayaa isku gacan qaaday, iyada oo la arkayay Booliska ka shaqeeya xarunta Baarlamaanka oo soo farageliyay xaalada.
Sidoo kale waxaa la burburiyay qaar kamid ah agabka Baarlamaanka sida Kuraasta iyo makarafoonada.
Guddoomiye Aadan Madoobe, ayaa isku dayay inuu xakameeyo xaalada jaweerka ee Baarlamaanka, isaga oo carabka ku dhuftay in xildhibaanada wada fowdada la ogyahay waxa ay damacsan yihiin.
“Xildhibaan Jeesow duq ayaa tahay naga fariiso, xildhibaan Caano-nuug jiis ayaa tahay fariiso, xildhibaan Xasan yare khaladkii aad doraad iyo dhibaatadii aad ka geystay xarunta waa la ogaa waana lagu cafiyay hadana waad sii wadaa ee fariiso,” ayuu yiri guddoomiye Aadan Madoobe.
Xiisadan ayaa hakad gelisay in maanta uu Baarlamaanka shaqadiisa qabsado, waxaana arrintaani ay daba socotaa tallaabadii uu guddoomiyaha golaha shacabka uu xasaanada uga qaaday xildhibaan Abiib oo katirsan golaha shacabka kaasi oo hadda dalka ka maqan.
Leave a Reply