Maamulka Gobolka Banaadir oo u yeeray qaar ka tirsan ganacsatada Soomaaliyeed

Maamulka Gobolka Banaadir oo u yeeray qaar ka tirsan ganacsatada Soomaaliyeed

Muqdisho (Raxanreeb) — Maamulka Gobolka Banaadir ayaa si degdeg ah ugu yeeray Milkiilayaasha goobihii Maqaayadaha ee la xeray si dib-u-eegis loogu sameeyo shatiyada ay horey u qaateen, Ganacsiga ay hada ka shaqeeyaan iyo Mas’uuliyadda goobahaasi.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Maamulka Banaadir kaas uu warbaahinta la wadaagay Afhayeenka Dowladda Hoose ee Xamar Saalax Dheere ayaa sheegay in lagu wargalinaya milkiilayaasha iska leh goobaha la xiray ee ku yaal Degmooyink:- Cabdicasiis, Hodan, Wadajir iyo Waaberi.

U jeedka u yeerista Ganacsatadaa ayuu Afhayeenk Gobolka ku sheegay, “Sidii dib u eegis loogu sameyn lahaa, shatiyadii ay horay ugu qaateen Dowladda Hoose ee Xamar ganacsiga ay hadda ka shaqeeyaan iyo mas’uuliyadda goobahaas.”

Maamulka Gobolka Banaadir oo kaashanaya Hay’adaha Ammanka Dowladda Federaalka ayaa howlgallada ka dhanka ah goobaha lagu isticmaalo walxaha maanka dooriya iyo kuwa ay ka jiraan ‘Dhaqan xumada’ ee ku yaalla Magaalada Muqdisho ka waday maalmihii la soo dhaafay.

Goobo kala duwan oo ku yaalla Degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir ayay Ciidamada ammaanka iyo mas’uuliyiinta maamulka Gobolka kormeer ka dis ah ku tageen, iyaga oo sheegay in goobaha ay booqdeyn ay ku soo arkeen waxyaabo dhaqan xumo ah iyo dhallinyaro isticmaaleysa walxaha maanka dooriya.