DFS oo qaar ka tirsan ardayda Soomaaliyeed ee ku xannibnaa Suudan ka dejisay Muqdisho iyo Garowe

DFS oo qaar ka tirsan ardayda Soomaaliyeed ee ku xannibnaa Suudan ka dejisay Muqdisho iyo Garowe

Muqdisho (Raxanreeb) — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dalka ku soo celisay 123 Muwaadin oo ku xanibnaa dalka Sudan kuwaas oo u badan Ardey, 78 ka mid ah dadkaas waxaa la keenay Muqdisho halka 45 laga dajiyay Magaalada Garoowe.

Muwaadiniinta oo safar dhulka ah oo dowladdu fududeysay ku tagay dalka Ethiopia ayaa laga soo qaaday Magaalada Addis ababa, Masuuliyiin ay ka mid yihiin Ra’iisul wasaare ku xigeenka XFS, Wasiirka arrimaha dibadda iyo wasiirka Waxbarashada ayaa Garoonka Muqdisho ku soo dhaweeyay 78 ruux halka Garoowe ay ku soo dhaweeyeen Masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland.

Waa markii labaad ee dowladda Soomaaliyeed ay dalka ku soo celiso Muwaadiniin ka soo baxsaday dagaalada ka socda dalka Sudan waxaana ay horay u keentay ku dhawaad 30 muwaadiniin laga soo qaaday Koofurta Sudan.

Safiir ku xigeenka Safaaradda Soomaaliy ee Suudaan, Axmed Cabdi Xasan oo maanta warbaahinta ku hadasha afka dowladda ayaa sheegay in uu socdo dedaal lagu soo daabulayo 1,500 oo ruux, kuwaas oo isaga soo baxay Dalka Suudaan, waxa uuna sheegay in Dowladda ay degdeg ah dib ay ugu celin doonta Soomaaliya.

Magaalada Khartuum ee Caasimadda Jamhuuriyadda Suudaan ayaa waxaa ka socda dagaal culus oo u dhaxeeya Saraakiisha Ciidanka ugu sarreyso dalkaas, iyada oo saacadba saacadda ay ka dambeyso ay ka soo dareyso xaaladda Caasimadda.

Suudaan ayaa dhan weliba ka xayiran, dhinacyadii dagaalamay ayaa weli is hor fadhiya inkasta oo meelaha qaar laga soo warriyay isku dhacyo ciidan oo aan badneen balse mar qura dareenka dadka rejo ku noolka ah welwel ku beeray.