Maamulka Jubbaland oo ka hadlay fatahaado uu sameeyay wabiga Jubba

Kismaayo (Raxanreeb) — Dhowaan waxaa degaanka Baarka ee Gobolka Jubbada Hoose ka dhacay fatahaad uu sameeyay Wabiga Jubba, kaas oo baabi’iyay dalagyada Beero kuyaalla halkaasi, sidoo kalena uu geystay dhibaatooyin kala duwan, waxaana faah faahin ka bixiyay dowlad Goboleedka Jubbaland.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Beeraha Mamulka Jubbaland Ugaas Cali Aadan ( Sokor ayaa sheegay inay la socdaan fatahaad uu Wabiga Jubba ka sameeyay degaanka Baarka & tuulooyinka u dhow iyo dhibaatooyinka ka dhashay.

Wuxuu sheegay in Wasaaradda Beeraha & Waraabka Jubbaland ay xilligaan waddo dadaallada ay ku dooneyso inay uga hortagto fatahaadaha Wabiga ee degaannada Jubbaland, isla markaana degaannada Wabiga uu ka fatahay dadka kunool ay markii hore la daalaa dhacayeen dhibaatada ka dhalatay Abaarta.

Illaa dhowr tuulo oo katirsan Gobolka Jubbada Hoose ayuu ka fatahay Wabiga Jubba, kaas oo baabi’iyay dhul beereed aad u farabadan, waxaana laga cabsi qabaa in maalmaha soo socda uu degaano kale ka fataho.

Soomaaliya ayaa abaartu aad u saameeysay ayadoo si toos ah u socoto inkabadan 2 sano ayadoo kumannaan kun oo xoolo kudhammaadeen gobollada dalka.

Abaarta, dalka ayaa gaartay meeshii ugu xumeyd ee abid taasoo sababtay dhimada boqollaal ruux oo u badan carruur nafaqo darro darteed u geeriyooday.

Dad gaaraya kumannaan kun oo barakacayaal ah, ayaa soo gaaraya magaalooyin badan si ay u heleen wax ay nafta ku ceshtaan ayagoo la daala dhacaya oon harraad baahi xoolihiina ay kaga dhammaadeen abaarta.

Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbaland ayaa bilo ka hor waxaa isbitaal ku yaalla magaaladaasi ku geeriyooday carruur gaareysa inkabadan illaa 30 carruur nafaqo darro darteed.

Leave a Reply

Your email address will not be published.