Muqdisho (Raxanreeb )- Waxaa goor dhaw magaalada Muqdisho gaar ahaan School Boliisiyo lagu tooktey nin la sheegay inuu ahaa Gaashanle dhexe oo katirsan boliiska Soomaaliyeed. Aadan Biit ayaa lagu magacaabi jirey balse arinta yaabka leh ayaa ah in kooxda hubeysan ee falkan fulisey ay ka baxsadeen goob kamid ah meelaha ugu ammaanka badan . Sarkaalkaan...
Day: May 3, 2024
Booliska Muqdisho oo soo qabtay rag baxsad ka ahaa kiis
Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa goordhoweyd shaaciyay in gacanta lagu soo dhigay saddexda nin oo muddo baxsad ahaa, oo lagu raad-joogay.
Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Turkiga oo booqday mid ka mid ah, Xabsiyada ay ku xiranyihiin dhallinyaro Soomaaliyeed
Safiir Dowladda Soomaaliya, ee Dalka Turkiga u fadhiya, Fatxudiin Cali Maxamed, ayaa booqday mid kamid ah Xabsiyada ku yaalla Magaalada Ankara oo ay ku xiran yihiin Muwaadiniin Soomaaliyeed oo kiisas kala duwan u xiran.
Diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn oo ku soo dhacday Sool.
Laascanood (Raxanreeb )- Diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ayaa kuso dhacday deegaanka Kalcad ee degmada Taleex ee gobolka Sool. Lama oga waxa sababay dhicitaanka diyaaradaan mana jirto faahfaahino laga helayo dhicitaanka diyaaradan. Dadka deegaanka ayaa sheegay in shaki badan ay abuurtay diyaaradan aan duuliyaha lahayn ee ku soo dhacday deegaanka. Saraakiisha SSC – Khaatumo ma...
Booliska UK oo xabsiga dhigay dad is-hortaagay tarxiilka muhaajiriinta
Ciidamada Booliska ee Britian ayaa xabsiga u taxaabay illaa 45 qof Khamiistii, kuwaas oo isku dayayey inay hor-istaagaan, in dadka magangelyo doonka ah laga qaado goob ay deganaayeen.
Turkiga oo sheegay inuu joojinayo dhammaan ganacsigii uu la lahaa Israa’iil
Turkiga ayaa Khamiistii ku dhawaaqay inuu joojinayo dhammaan noocyada ganacsi ee kala dhaxeeya Israa’iil, ilaa ay ka oggolaato in gargaarka uu si aan caqabad lahayn u soo galo Gaza inta uu socdo weerarka ka dhanka ah Xamaas ee Marinka Gaza.
Somaliland “Taageerada beesha Caalamka ee DFS waxay khatar ku tahay amnigeena “.
Hargaysa (Raxanreeb )-Somaliland ayaa sheegtay in taageerada ay waddamada Reer Galbeedku siyaan Soomaaliya ay khatar ku tahay daganaanshaheeda. Warbixin uu baahiyay Millateriga Somaliland ayaa lagu sheegay in deeqaha dhaqaale iyo tababarka ciidamada ee Waddamada Galbeedka iyo Carabtu ay siiyaan Soomaaliya ay khatar ku yihiin amaanka Somaliland, warbixintu waxay sheegtay in askar ay tababareen waddamada Maraykanka...
XOG : Maamul goboleedyada oo sharuud ku xiray shirka madasha & fashilka doorasho qof & cod.
Muqdisho (Raxanreeb )- Shirka madashada wada-tashiga Qaran ayaa wali ka qabsoomin magaalada Muqdisho waxaana la filyay in todobaad ka hor uu ka qabsoomo caasimada sida uu ahaa qorsha Villa Somalia. Dib u dhaca ku yimid shirka ayaa sabab looga dhigayaa khilaaf ka dhax jira qaar ka mid ah hoggaamiyaasha maamul goboleedyada & Dowladda Federaalka ah...