Muqdisho (Raxanreeb ) – Magaalada Muqdisho waxaa ka jira socda shirar siyaasadeed ka dhan ah Dowladda uu hoggaamiyo Madaxwaynaha Dowladda Fedeeraalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Shirarkan waa mid looga hadlayo sidii loo heli lahaa isbahayso ka dhan ah Xasan Sheekh oo mudda laba sanno ku dhaw haya xilka hase ahaatee mowjado siyaasadeed ay ku furmeen.
Dalka waxaa ku sugan madaxwaynayaal hore , waxaa la filayaa in ay soo gaaraan siyaasiin hor leh oo wax ku biirin kara dagaal siyaasadeed la saadaalinayo in dalka uu galo.
Guuxa hadda jira waa in Farmaajo iyo Shariif ay doonayaan in ay abuuraan isbahaysi xoog badan oo dagaal dhan kasta ah la gali kara madaxwaynaha hadda talada haya Xasan Sheekh.
Xasan Sheekh Maxamuud dhankiisa isaga waxaa uu isku diyaarinayaa inuu wajaho , dagaalka la filayo inuu ka bilowdo magaalada Muqdisho oo ay ku sugan yihiin siyaasiinta isaga aad u diidan.
Villa Somalia ayaa hadda doonaysa , inay wax ka bedesho Dastuurka ,taas oo dagaalka ugu culus ee ay wajahi doonto Dowladda Xasan Sheekh Maxamuud uu hoggaamiyo
In dastuurka waqtigan la isku dayo in wax laga bedelo waxay ku keeni kartaa Xasan Sheekh Maxamuud culays caqabad ku noqon doona dhamaystirka dhamaan balanqayadii uu sameeyay ka hor doorashadiisa.
Madaxwaynaha Puntland ee dib loo doortay dhankiisa aadbuu xiligan u diidan yahay in la furo Dastuurka KMG ah ee dalka waxayna tani kala fogaysay dowladda Dhexe iyo maamul goboleedka Puntland.
Siyaasadda Soomaaliya ayaa hadda u muuqata mid dhinac u badanayso oo la guda gali doono arrimaha doorashooyinka iyo Ololaha kale ee la xiriira waxaana magaalada Muqdisho ka jira guux siyaasadeed oo ay abuureen siyaasiin diidan Xasan Sheekh Maxamuud.
Leave a Reply