Shaqo kama socoto  Barlamaanka shalay Aqalka Sare maanta Golaha shacabka.

Shaqo kama socoto  Barlamaanka shalay Aqalka Sare maanta Golaha shacabka.

Muqdisho (Raxanreeb ) Waxaa si isdaba jooga ah u baaqanaya fadhiyada Barlamaanka labadiisa Aqal waxaana Guddoonka uu jeedinayaa digniino la xiriirta maqnaanshaha xildhibaanada.

Fadhiyada Barlamaanka waxaa hareeyay kooram la’aan sida ay warbaahinta u sheegeen Guddoonada Barlamaanka labadiisa Aqal  kuwaas oo diray digniino dhawr ah.

Shalay , Guddoomiyaha Aqalka Sare Abdi Hashi ayaa sheegay in nasiib darro ay tahay in  Senator-da ay iska maqnaadaan iyaga oo aan haysan wax fasax ah isla markaana ay joogaan magaalada Muqdisho.

Abdi Hashi ayaa sheegay in talaabo laga qaadi doono xildhibaan kasta oo ka maqnaada fasax la’aan fadhiyada Barlamanka , loona baahan yahay in la muujiyo dulqaad.

Maanta Guddoomiye ku xigeenka Barlamaanka  Abshirow ayaa sheegay in xildhibaano badan ay ka maqanayeen  fadhiga  Golaha shacabka , taas oo muujinaysa masuuliyad darro.

Waxa uu sheegay inuu digniin u dirayo dhamaan xildhibaanada  Golaha shacabka ee maanta ka maqnaa fadhiyada Barlamaanka Soomaaliya maadaama ay  jiraan shaqooyin badan ooh or yaala Barlamaanka.

Waxaa dhawr mar baaqday sabab la xiriirta kooram la’aan fadhiyada Golaha shacabka ee Barlamaanka  taas oo ka dhalatay imaansho la’aanta xildhibaanada Golaha shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.