Maamulka Puntland oo 15 maxbuus oo lagu qabtay dagaalladii Sool ku wareejisay Somaliland

Garoowe ( Raxanreeb Online) Somaliland iyo Puntland ayaa maanta is dhaafsaday  Maxaabiis ay ku kala qabsadeen dagaalkii ka dhacay magaalada Laascaanood sannadkii 2023.

Wasiirka Cadaaladda Puntland Maxamed Cabdiwahaab oo la hadlay warfidiyeenada, ayaa sheegay in Puntland ay 15 maxbuus  ay ku wareejisay Somaliland, halka sidoo kale Puntland ay la wareegtay 11 maxbuus oo lagu qabtay  dagaalkii ka dhacay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

“Maanta waxaa dowladda Somaliland ku wareejinay 15 maxbuus oo kamid ah maxaabiisti lagu qabtay dagaalladii ka dhacay gobolka Sool 2023-kii. Somaliland dhankeeda waxa ay 11 maxbuus ku soo wareejisay dowladda Puntland,” ayuu yiri wasiirka Cadaaladda Puntland.

Sidoo kale wasiirka ayaa carabka ku dhuftay in tallabadan ay muhiim u tahay xoojinta nabadda, Ganacsiga iyo is dhexgalka bulshada labada dhinac.

Sikastaba, tallaabadan is dhaafsiga maxaabiista, ayaa noqoneysa markii labaad oo lasii daayo maxabiis lagu qabtay dagaalladii ka dhacay gobolka Sool.

Leave a Reply

Your email address will not be published.