Garoowe ( Raxanreeb Online) Wasiirka warfaafinta ee dowlad goboleedka Puntland Maxamuud Ceydiid Dirir oo la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay in Puntland mowqifkeeda ku aadan midnimada Soomaaliya uusan waxba iska badalin isla markaana aysan taageersaneen go’itaanka Somaliland.
Wasiirka ayaa sheegay in Soomaaliya ay xiligan wajaheysa khatar caalami ah, isla markaana ku sababeeyey arrintaasi hoggaan xumo, ayna ku hardamayaan quuwado shisheeye sida uu hadalka u dhigay wasiir Ceydiid.
Waxa uu carabka ku dhuftay wasiirka in hadda loo baahan yahay hoggaan mideeya dalka, haddii aan la helina dalka uu gali karo xaalado khatar ah.
Sidoo kale wasiir Ceydiid, ayaa ka digay fara-gelinta shisheeye ee Soomaaliya iyo guud ahaan geeska Afrika, isaga oo tilmaamay in ay sameeyn ku yeelan karto xasiloonida iyo horumarka dalka.
Waxa uu tilmaamay in dalalka Turkiga, Imaaraatka, Qatar, Israa’iil, Eritrea, Itoobiya iyo Masar ay galaangal kala duwan ay ku lee yihiin Soomaaliya, isaga xusay in Soomaaliya ay u baahan tahay midnimo iyo iskaashi gudaha ah si looga hortago saameyntaas sii xoogeysato.
Marka laga soot ago hadalka wasiirka warfaafinta Puntland, ilaa iyo hadda madaxda Puntland ma cambaareyn ama masoo hadal qaadin tallaabada ay Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland.

Leave a Reply