Madaxweyne Xasan oo farriin u diray Aadan Madoobe oo loo doortay hoggaamiyaha cusub ee koonfur galbeed

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur oo maanta ku guuleystay doorashadii ka dhacday magaalada Baydhabo.

Qoraal kasoo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa lagu bogaadiyey tallaabada ay muujiyeen Xildhibaannada, Guddoonka iyo musharraxiinta Madaxtinimada ee ku loollamay doorashooyinkii ka dhacay Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed, wuxuuna sheegay inuu Alle uga rajeeynayo Hoggaanka la doortay in uu u fududeeyo gudashada waajibaadka shaqo ee horyaalla.

“Waxaan hambalyo u dirayaa Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur oo ku guuleystay doorashooyinkii ka dhacay deegaanka, aniga oo u rajeynayaa in uu xoogga saaro mideynta bulshada Koonfur Galbeed, islamarkaana ka shaqeeyo nabadda, horumarka iyo dowladnimada”. ayuu yiri madaxweyne Xasan.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in doorashooyinkii isku sidkanaa ee ay shacabka Koonfur Galbeed sida tooska ah uga qayb galeen ay bog cusub u fureen taariikhda dimuqraadiyadeed ee dalka, isla markaana ay muujiyeen biseyl siyaasadeed.

Ugu dambeynMadaxweynaha ayaa ku ammaanay boqolaalkii kun ee shacabka ahaa ee ka qayb galay doorashooyinka dhacay deegaannada koonfur galbeed, waxa uuna xusay in shacabka ay si weyn ugu qey qateen doorashooyina ka dhacay koonfur galbeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published.