Dhuusamareeb ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.
Garoonka diyaadaraha Dhuusamareeb madaxweynaha iyo wefdigiisa waxaa ku soo dhoweeyey dadweyne fara badan waxaana loo galbiyay madaxtooyada maamulka Galmudug.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filaya inuu kulan la qaato hoggaamiyaha maamulka Galmudug Qoor Qoor iyo qeybaha kala duwan ee bulshada iyo saraakiisha ciidanka.
Kulamada ayaa lagu wadaa in looga hadlo dagaalka ka dhan ah Al-shabaab iyo sidii loo abaabbuli lahaa howlgallada ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka.
Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Dhuusamareeb, waxa uu xarigga ka jari doonaa mashaariic horumarineed oo laga hirgalayay Galmudug.

Leave a Reply