Aadan-yabaal ( Raxanreeb Online) Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhaw ka degay degmada Aadan-yabaal ee gobolka Sh/Dhexe, waxaana halkaas ku soo dhaweeyey shacabka ku nool magaalada iyo saraakiisha Ciidamada Qaranka.
Inta uu Madaxweynuhu ku sugan yahay furimaha dagaalka waxa uu u kuur-gali doonaa xaaladda ciidamada, isaga oo warbixinno ka dheggeysan doona talisyada iyo hoggaannada horkacaya dagaalka, kuwaas oo maalmihii la soo dhaafay jab weyn gaarsiiyay kooxda Al-shabaab.
Tegitaanka Madaxweynaha ee furimaha dagaalka ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xilli ay shacabka Soomaaliyeed ee ku nool caasimadda iyo guud ahaan dalka iyo dibaddaba ay taageero xooggan u muujiyeen howlgalka horumarka weyn laga sameeyay ee lagu dabarjarayo kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab.
Leave a Reply