Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Sacuudiga iyo ujeedka safiirkiisa

Riyaadh ( Raxanreeb Online) Wasiirka arrimaha dibada ee xukuumadda Soomaaliya Cabdisalaam Cali Dhaay , oo ku sugan dalka Sacuudi Carabiya, ayaa kulan la leh wasiirka arrimaha dibadda ee Sacuudiga Carabiga Feysal Bin Farxaan Al-sacuud.

Kulankan ayaa la sheegay inuu daaran yahay sidii loo xoojin lahaa xiriirka Soomaaliya iyo Sacuudiga iyo kaalinta garab istaaga ee ku aadan xadgubka Israa’iil ay ku sameeysay madaxbaannida Soomaaliya iyo aqoonsiga Somaliland.

Geesta kale madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa la filaya in uu u safro Boqortooyada Sacuudi Carabiya, halkaasina uu kulamo kula yeelan doono mas’uuliyiin katirsan boqortooyda sacuudiga.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in madaxweynaha uu mas’uuliyiinta sacuudiga kala hadli doono loolanka loogu jiro gacanka Cadmeed, iyo imaanshaha Israa’iil ee gobolka ay khatar ku tahay halkaasi.

Dawladdaha Sacuudiga, Turkiga, Masar iyo Pakistan ayaa si xoogan u garab istaagay Soomaaliya, markii 26-kii bishii December ay Israa’iil ku dhawaaqday in ay dal madax banaan u aqoonsatay Somaliland.

Leave a Reply

Your email address will not be published.