Madaxweyne Xasan Sheekh oo odayaasha degmada Cadale kala hadlay dardar gelinta dagaalka

Cadale ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wali kulamo kala duwan ka wada degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha ayaa kulamo gaar ah xalay waxa uu la qaatay odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka kasoo jeeda gobolka Shabeellaha Dhexe.

Kulanka inta uu socday ayaa madaxweynaha iyo odeyaasha waxa ay isla meel dhigeen in la adkeeyo garab istaaga ciidanka xoogga ee dagaalka kula jira kooxda Al-shabaab, si dalka looga saaro kooxda Shabaab oo dhibaato badan ku heysa shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale odeyaasha iyo waxgaradka kulanka qeybta ka ahaa ayaa madaxweynaha ku bogaadiyay sida ay uga go,an tahay dardar gelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.