Mareykanka (Raxanreeb Online) Toban kun oo Afghaniyii ah ayaa galay Mareykanka iyadoo loo marayo shuruuc gaar ah oo la xiriirta socdaalka, kadib markii Mareykanku si qalalaase leh uga baxay dalkaasi sanadkii 2021-kii, xilliga uu xilka hayay madaxweynihii hore, Joe Biden.
Ilo badan oo ka tirsan hay’adaha sharciga ayaa u sheegay wariyaha BBC ee Mareykanka ee CBS, in qofka loogu tuhunsan yahay weerarka, uu yahay Rahmanullah Lakanwal, oo ah 29-jir ka soo jeeda dalka Afghanistan, kaasoo dalkaas tagay isagoo ka faa’iideysanaya barnaamij la yiraahdo Operation Allies Welcome.
Trump ayaa sheegay kadib toogashada in Mareykanku “hadda dib u eegis ku sameyn doono qof kasta oo ajnabi ah oo ka yimid Afghanistan isla markaana yimid xilligii maamulkii Biden..”
Wajiga Hawlgalka Wadajirka ah ee DC, oo isku dubaridaya howlgallada Ciidanka Qaranka ee caasimadda, ayaa sheegay in weerarka uu ka dhacay gelinkii dambe xilliga dalkaas, agagaarka goobt lagu magacaabo Farragut Square Metro Station.
Ciidamadu waxay ku jireen howlgallo muuqaalka sare u qaadaya agagaarka isgoyska 17th iyo I Street — meel mashquul ah oo shaqaalaha xafiisyada ay ka cunteeyaan isla markaana ay ku jireen fasax gaaban oo dhanka shaqooyinka ah

Leave a Reply