Miami ( Raxanreeb Online) Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa seegaya ka qaybgalka Koobka Adduunka ee sanadkan kadib markii loo diiday gelitaanka Maraykanka, sida ay xaqiijisay FIFA.
Cumar Cabdiqaadir Cartan oo sanadkii 2025 loo aqoonsaday garsooraha ugu wanaagsan Afrika ee ragga, ayaa ka mid ahaa garsoorayaasha loo xushay inay dhex dhexaadiyaan ciyaaraha Koobka Adduunka ee ka dhacaya Maraykanka, Canada iyo Mexico. Hase yeeshee markii uu kasoo degay magaalada Miami kadib safar uu kaga yimid Istanbul, ciidamada ilaalada xudduudaha Maraykanka ayaa baadhitaan dheeraad ah ku sameeyay, ugu dambayna u diiday inuu dalka galo.
Sarkaal ka tirsan Hay’adda Kastamka iyo Ilaalinta Xuduudaha Maraykanka (CBP) oo u warramay warbaahinta CNN ayaa sheegay in Cumar Cartan loo arkay “inuu uusan u qalmin gelitaanka USA” kadib baadhitaan amni, balse ma aysan faahfaahin sababta rasmiga ah ee go’aankaasi.
Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka uu saameeyay xayiraadda socdaalka ee maamulka Madaxweyne Donald Trump, taas oo keentay in muwaadiniinta dalalkaas lagu sameeyo baaritaanno adag.
FIFA ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inaanay wax door ah ku lahayn go’aannada socdaalka ee dalalka martigelinaya tartanka, iyadoo xustay in dowladda martida loo yahay ay go’aamiso cidda la siinayo fiisaha iyo cidda loo oggolaanayo inay dalka gasho.
Xidhiidhka Kubadda Cagta Soomaaliya ayaa la xidhiidhayay FIFA si loo helo sharraxaad dheeraad ah, halka mas’uuliyiin Soomaali ahi ay sheegeen in Cumar Cartan watay dukumiintiyo sax ah iyo baasaboorka diblomaasiga ah oo loogu talagalay fududeynta safarkiisa.
Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo dalal kale oo ay ka mid tahay Iran ay sidoo kale cabasho ka muujiyeen caqabado dhinaca socdaalka ah oo la xidhiidha Koobka Adduunka. Madaxweynaha xidhiidhka kubadda cagta Iran Mehdi Taj ayaa sheegay in xulka Iran loo oggolaaday inay galaan Maraykanka hal maalin oo shalay ciyaartooda, halka qaar ka mid ah maamulka iyo warbaahinta xulka aan weli loo oggolaan Tegitaanka dalkaas.
Cumar Cartan ayaa noqday garsoore FIFA ah sanadkii 2018, wuxuuna hore uga soo shaqeeyay tartamada waaweyn ee Afrika sida Koobka Qaramada Afrika ee AFCON. Dad badan oo Soomaali ah ayaa u arkayay ka qaybgalka Koobka Adduunka guul taariikhi ah oo u soo hoyatay Soomaalida iyo garsoorka Afrikaba, balse dedaalka shakhsiga ayaa u ek in uu caqabad weyn wejahay.

Leave a Reply