Asmara ( Raxanreeb Online) Dowladaha Masar iyo Eriteriya, ayaa wada qorsho xooggan oo ay kaga hortagayaan in Itoobiya ay galaan muuqda ku yeelato Badda Cas.
Dalalkan ayaa dareemaya in Itoobiya haddii kaalin ku yeelato Badda Cas ay caqabado kala kulmi karaan, si taasi aysan u dhicin ayey wadaan qorsho ay tallabadaasi kaga hortagayaan.
Wasiirka arrimaha dibadda Masar Badr Abdelatty, oo magaalada Asmara ee caasimada dalka Erateeriya kula kulmay madaxweyne Isaias Afwerki, ayaa ugu horeen u gudbiyey farriin uu ka siday madaxweyne Cabdifitaax Al Siisii, taasi oo aheyd diidmada dhaq-dhaqaaqa ay wado Itoobiya.
Dowladda Erateeriya, waxaa Itoobiya kala dhaxeeya dagaal siyaasadeed tan iyo markii ay kala go’een sannadkii 1993, waxaana dhex maray dagaalo khasaaro badan geystay oo Itoobiya ay ku jabtay.
Asmara ayaa u aragta haddii Itoobiya ay yeelato ciidan badeed heysta Maraakiib iyo hub casri ah ay tahay meesha kaliya ay ku duuleyso Addis Ababa, dhankeeda sidaas awgeed waxa ay ku dedaaleysa sidii arrintaasi uga hortagi laheyd.
Masar oo dhacda waqooyiga qaarada Afrika, ayaa dhankeeda waxa ay Itoobiya isku hayaan isticmaalka biyaha wabiga Nile, waxaana labadan dalka xiisadooda ay sii kordhay sanadihii u dambeeyey.
Dadka falanqeeya arrimaha siyaasada geeska Afrika, ayaa qaba in tallabadan ay qadeen dalalkan Masar iyo Erateeriya, ay dhabar jab ku tahay Soomaaliya, isla markaana meesha uu ka baxo heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee dhex maray Soomaaliya, Masar iyo Erateeriya.
Leave a Reply