Maxaa ka jira in Putin uu aqbalay casuumadda golaha nabadda ee Trump ?

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in madaxweyne Putin uu aqbalay casuumadiisa ku aaddan in uu ku biiro hindisaha Guddiga ee uu asaasay Trump, kaas oo ujeedadiisu tahay tahay xallinta khilaafaadka adduunka oo dhan.

Balse mr. Putin ma uusan xaqiijin arrintan; horay ayuu u sheegay in jawaabta Ruushka ee casuumadda ay imaan doonto oo keliya kaddib marka wasaaradda arrimaha dibedda ay daraasad ku sameyso dukumentiyada oo ay la tashato xulafada istiraatiijiga ah.

Dalalka doonaya in ay ku biiraan oo ay ka noqdaan xubno joogto ah, waxaa laga codsan doonaa in ay bixiyaan ilaa hal bilyan oo doollar.

Golaha waxaa markii hore Aqalka Cad ku soo bandhigay qeyb ka mid ah hannaan maamul oo mustaqbalka Gaza loogu talagalay, laakiin hadda wax tixraac ah laguma hayo dhulka Falastiin.

Dalal badan ayaa hadda sheegay inay ku biiri doonaan, oo ay ku jiraan Pakistan, Turkiga, Masar, Sucuudi Carabiya iyo Qatar.

Donald Trump wuxuu noqon doonaa guddoomiyaha koowaad wuxuuna magacaabi doonaa qofka bedeli doona.

Vatican-ka ayaa sheegtay in Baadarigu uu sidoo kale helay casuumad.

Si kastaba ha ahaatee, Sucuudiga ayaa sheegay in kooxdan dalalka Muslimiinta u badan—Sucuudiga, Turkiga, Masar, Urdun, Indonesia,

Pakistan iyo Qadar ay taageereen yoolka ah xoojinta xabbad-joojin joogto ah oo ka hirgasha Qaza, taageeridda dib-u-dhiska, iyo horumarinta waxa ay ku tilmaameen “caddaalad iyo nabad waarta.”

Leave a Reply

Your email address will not be published.