UK ( Raxanreeb Online) Waxaa maanta dhagta loo taagaya dalka Ingiriiska, halkaas oo la filayo inuu ka soo baxo war weyn, iyadoo sidoo kale ay arrintan si weyn u filayaan mas’uuliyiinta sarsare ee dowladda dalkaas.
Raysal Wasaaraha hadda xilka haya, Keir Stermer ayaa waxaa dhici karta inuu ku dhawaaqo qorshihiisa iscasiladda xilka Ra’iisul wasaarenimo.
Starmer ayaa laga yaabaa inuu ku dhawaaqo jadwalka ka bixitaankiisa Downing Street subaxnimada Isniniinta maanta ah.
Ra’iisul wasaaraha ayaa cadaadis badan saarnaa tan iyo markii Andy Burnham uu ku guuleystay doorashadii ku celiska ahayd ee Makerfield todobaadkii hore.
Haddii UK ay hesho ra’iisul wasaare cusub – oo ah kii shanaad muddo afar sano ah – waxaa la magacaabi doonaa gole wasiirro oo cusub waxaana la dejin doonaa barnaamij siyaasadeed oo cusub.
Xisbiyada mucaaradka waxay u badan tahay inay su’aal ka keenaan in qofka beddelaya Starmer uu mudan yahay xilka amaba u qalmo.
Iyadoo wargeyska Daily Telegraphuu sheegay in ninka loo badinayo inuu xilka la wareego, Burnham uu qorsheynayo inuu noqdo ra’iisul wasaare bisha Sebtembar, haddanaIndependent waxay soo xiganeysaa madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo yiri Ra’iisul Wasaaraha “wuu iscasili doonaa”.
Ra’iisul wasaaraha ayaa saaka ku sugan xafiiskiisa Downing Street, isagoo ka soo laabtay fasaxiisa dhamaadka toddobaadka ee uu ku qaatay Chequers, oo uu ku nool yahay.

Leave a Reply