Maxaa ku dhici lahaa Dhallinyaro laga soo badbaadiyay Magafaha Liibiya ?

Muqdisho (Raxanreeb ) Dowladda Soomaaliya ayaa maanta oo Talaada ah magaalada Muqdisho waxa ay ka soo dejisay dhallinyaro muddo dheer ku dayacnayd xabsiyada dalka Liibiya.

In ka badan 9 dhallinyara ah oo Liibiya ku xayirnaa sannado badan, oo Magafe ka soo baxsaday, ka dibna yimid Safaaradda Soomaaliya ee Tripoli si ay dalkooda dib ugu soo laabtaan .

War ka soo baxay Xafiiska Ergayga Gaarka ee Dib u soo celinta Muhaajiriinta iyo Carruurta ee Dowladda ayaa lagu sheegay in dhallinyaradan iyaga la soo xariirey Xafiiska Ergayga Gaarka ah.

Waxaa Garoonka Diyaarradaha ku soo dhaweeyey Ergeyga Gaarka ah ee Xuquuqda muhaajiriinta iyo carruurta Amb. Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf iyo xubno ka mid ah Xafiiska Ergayga Gaarka ah.

Dhallinyaradan ayaa ka mid ah dad badan oo Soomaaliyeed oo xaalado kala duwan ay ku haysatay xabsiyada dalka Liibiya , waxa ayna ka mid noqon doonaan dhallinayaro haddii ay sii wadan lahayeen Tahriibkooda la kulmi lahaa dhibaato xooggan.

Liibiya ayaa ka mid ah dalalka marinka u ah , dadka doonaya in ay gaaraan dalalka Yurub , kuwaas oo naftooda ku biimeeya bada qatarta badan oo la ogyahay in ay ku naf waayeen dad badan oo ay ku jiraan Soomaali.

Leave a Reply

Your email address will not be published.